Awood isku dhibaateynta waxey u dhici kartaa dhowr nooc

Awood isku dhibaateynta waxey noqon kartaa mid maskaxiyan ah, mid jirka ah, mid isku tagida ama dhaqaaleed ah. Marka hore waxey noocyadaas kala badalan u soo baxaan mid mid kadib wey wada jiraan.

Awood ku dhibaateen maskixiyan ah

Gudaha ama banaanka
Caay hadalo hoos u digid ah, yasid, ceebeen, ku qeylin, hanjabaad, ilaalin iyo xukumid, dabajoogid iyo si xun kula dhaqan (sidoo kale xayawaanka), jabinta alaabta si uu qofka kale u cabsado

Awood ku dhibaateynta jireedka ah

In la jukeeyo, in xoog lagu heesto, in la ruxo, in gacmaha laga maroojiyo, in laka tuuro, in la qaniino ama hub lagu dhaawaco,

Awood ku dhibaateyn xagga dhaqaalaha

Haduu qofka la dhibaateynaayo uu mushaarle yahay, la yareeyo ama la baabi’iyo awooda dhaqaale, in la ilaaliyo lacagta lagu noolyahay, in aan laga qeyb qaadan qarashka, in hantida la qaato iyadoo aan la weydiisan, in lagu qasbo qofka inuu shaqa ka tago.

Hadii qofka la dhibaateynaayo uunan mushaarle aheyn, in loo qorsheeye, la siiyo lacag aan guriga ku filneen, in lagu qasbo iney lacagta hal hal uga tuugto, in taano walbo lagu la xisaabtamo waxa eysoogado, in laga hor istaago in ey shaqeysato.

Awood ku dhibaateynta xagga galmada

In lala dabataagnaado faraxumeyn, in sharafta laga qaado marka loo tagaayo ( la caayo, loo isticmaalo alaab iwm), in marka loo tagaayo la garaaco, lagu qasbo nooc eynan rabin(loo isticmaalo qalabka filimaanta wasmada, dabada looga tago, in lagu qasbo dadkale in ey u tagaan, iyo in la kufsasho,…